Angelo Stiller ayaan wax heshiis ah la gaarin kooxda Real Madrid, inkastoo warar badan oo ka baxay saxaafadda Spain ay sidaas sheegayaan. Sida ay ku waramayaan BILD, khadka dhexe ee VfB Stuttgart lama gaarin wax heshiis afka ah kooxda reer Spain, sidoo kalena ma jiro wax muujinaya in uu u dhow yahay inuu ku biiro.
Stiller oo 24 jir ah ayaa si weyn u soo jiitay indhaha dadka intii uu joogay Stuttgart. Heshiiskiisu wuxuu soconayaa ilaa 2028. Inkastoo heshiiska uu ku jiro qodob fasaxeed (release clause) oo gaaraya €36.5 milyan, qodobkaasi wuxuu dhaqangalayaa sanadka 2026. Waxa kale oo Stuttgart ay haystaan ikhtiyaar ay ku hor istaagi karaan bixitaanka ciyaaryahanka iyadoo ay bixinayaan €2 milyan si ay uga hortagaan dalab rasmi ah oo ka yimaada koox kale.
Stiller laftiisu ma uusan muujin doonis ah inuu kooxda ka tago xagaagan, inkastoo warar hore ay ku andacoonayeen in uu qorsheynayo bixitaan. Ciyaaryahanka ayaa si buuxda ugu heellan kooxda, mana uusan gudbin wax codsi ah oo ku saabsan in la fasaxo.
Kooxda Real Madrid kaliya maaha kooxda xiiseyneysa laacibkan. Liverpool iyo Arsenal ayaa sidoo kale si dhow ula socda xaaladdiisa, gaar ahaan horumarkiisa iyo sida uu u wajahayo heshiiskiisa hadda jira.
Xilligan la joogo, Stuttgart ayaa si buuxda gacanta ugu haysa mustaqbalka Stiller, mana jiraan wax wadahadal rasmi ah oo ay kooxaha xiiseynaya la bilaabeen.