Da’yarka reer Brazil ee Real Madrid, Endrick, ayaa xiran doona funaanadda lambarka 9-aad ee uu horey u watay Kylian Mbappe.
Warbixin uu qoray wargeyska AS ayaa sheegaya in kooxda ay diyaarisay inay Mbappe siiso funaanadda lambarka 10-aad ee uu horey u xirnaa Luka Modric.
Modric ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda xagaagan.
Mbappe, oo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeyay LaLiga xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 31 gool 34 kulan, wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta kabta dahabka Yurub (European Golden Boot) isagoo dhaliyay 42 gool 55 kulan ah tartamada oo dhan.
Mbappe oo horay u xirtay lambarka 10-aad ee xulka France iyo sidoo kale Paris Saint-Germain, ayaa la sheegay inuu damacsanaa inuu ka codsado lambarkaasi Real Madrid intii lagu guda jiray heshiiska, balse uu ka tanaasulay isagoo tixgelinaya Luka Modric.
Ha yeeshee, iyadoo Modric uu ka tagayo kooxda, Real Madrid waxay aaminsan tahay in lambarka 10-aad uu ku habboon yahay sumcadda iyo suuqgeynta caalamiga ah ee Mbappe.
Xiddiga reer France ayaa hadda hoos tagi doona tababaraha cusub ee Real Madrid, Xabi Alonso, kaddib markii Carlo Ancelotti uu ka tegay kooxda si uu u noqdo tababaraha xulka Brazil.