Real Madrid Oo Shaacisay Qiimaha Lagu Heli Karo Rodrygo

Real Madrid waxay dul dhigtay qiimo dhan €90 milyan Rodrygo haddii uu ka tagayo kooxda xagaagan, sida ay warinayso Cadena SER.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa la fadhiisiyay kulankii labaad ee Club World Cup ee ay Real Madrid la ciyaartay Pachuca, taasoo ka dambeysay bandhig aan lagu qancin oo uu sameeyay kulankii koowaad ee Al Hilal.

Inkastoo tababare Xabi Alonso uu si cad u sheegay in Rodrygo weli muhiim u yahay kooxda, haddana muuqaalka guud ayaa muujinaya in booskiisa Santiago Bernabeu uu halis ku jiro.

Kooxo dhowr ah oo Premier League ah ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan laacibka, laakiin Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay yihiin kuwa ugu dhow saxiixiisa. Warbixinnadu waxay sheegayaan in xiisaha Gunners uu yahay mid dhab ah.

Sheekada Rodrygo lama filayo inay degto ilaa uu si rasmi ah u xirmo suuqa kala iibsiga bisha Sebtember.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football