Real Madrid Oo Qarka U Saaran Inay Lumiso Vinicius Jr Kaddib Markii Uu Dalbaday Mushaar Uu Mbappe Kaga Sare Marayo

Kooxda Real Madrid ayaa weli wada xaajood kula jirta Vinicius Jr si ay u kordhiyaan qandaraaskiisa oo hadda dhacaya 2027. Los Blancos waxay doonayaan in heshiiskiisa la gaarsiiyo illaa sanadka 2030 isla markaana mushaharkiisa la kordhiyo.

Inkasta oo wararkii hore ay sheegeen in heshiiska la dhameeyay oo ay ka harsan tahay oo kaliya saxiixa, haddana warbaahinta Sport ayaa haatan soo warisay in aanan wali heshiis kama dambeys ah la gaarin.

Real Madrid ayaa u bandhigtay Vinicius heshiis cusub oo shan sano ah oo qiimihiisu dhan yahay €100 milyan oo nadiif ah (net), taasoo ka dhigaysa in uu sanadkiiba qaato €20 milyan.

Vinicius wuxuu rabaa in uu noqdo xiddiga ugu mushaharka badan kooxda

Vinicius Jr wuxuu haatan qaataa mushahar dhan €15 milyan sanadkiiba, oo la mid ah kan Jude Bellingham iyo Kylian Mbappe. Si kastaba, Mbappe wuxuu ka sarreeyaa labadooda marka la eego gunnooyinka saxiixa ee lagu daray mushaarkiisa, taasoo ka dhigeysa in dakhliga sanadlaha ah ee Mbappe uu dhaafo €20 milyan.

Xiddiga reer Brazil wuxuu adeegsanayaa xiisaha ay qabaan kooxaha Sacuudiga si uu cadaadis u saaro Real.

Kooxo Sacuudiyaan ah ayaa la sheegay in ay diyaar u yihiin mushahar aad uga badan waxa Real Madrid bixinayso. Tani waxay u adeegsanayaan Vinicius Jr iyo wakiilkiisa sidii xeelad gorgortan loo gaari lahaa oo ay u helaan qandaraas ka sarreeya kan hadda miiska saaran.

Real Madrid ma damacsana in ay kor u qaaddo dalabkeeda xagaagan, balse labada dhinacba waxay rajo ka qabaan in heshiis la gaaro ugu dambayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football