Real Madrid Oo Nus Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday UD Melilla, Isco Iyo Asensio Oo Min Laba Gool Farriin Ugu Diray Solari & Los Blancos Oo Wareega 16-ka Ee Copa Del Rey Gaadhay

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda yar ee Melilla oo kusoo booqatay Santiago Bernabeu, Guushan ayaa ahayd mid ay ku gaadhay 6-1 oo marka lagu daro natiijadii kulankii hore wadar ahaan noqonaysa 10-1.

Kulankan ayaa ahaa mid ay si weyn iskugu muujiyeen xiddigaha booska joogtada ah ka waayay Santiago Solari ee Isco iyo Asensio oo min laba gool dhaliyay halka da’yarka Vinicius JR uu shabaqa gaadhay.

Shaxihii Labada Kooxood Ee Kulankan:

Official lineups for the Copa del Rey clash between Real Madrid and UD Melilla. BeSoccer

Falanqaynta Guud Ee Kulankan

Kulanka ayaa ku bilawday qaab ay dar dar badan kusoo gashay kooxda martida ahayd ee Melilla oo horraantii kulankaba qaaday weeraro deg deg ah oo ay kaga yaabsadeen Real Madrid.

Qayladii Rigooraha: Jamaahiirta Real ee kasoo xaadirtay Santiago Bernabeu ayaa markaliya qayliyay iyaga oo dalbanaya rigoore isla markaana doonaya in lagu abaalmariyo qalad lagu galay Vinicius balse garsooraha ayaa ciyaarta sii waday.

GOOAL: Real Madrid ayaa goolkeeda furitaanka heshay daqiiqadii 33-aad ee kulankan, Goolkan ayaa ka yimid Asensio oo si xirfadi ku dheehan tahay u dhex maray xiddigaha Melilla isla markaana figta hoose ee shabaqa kubada ka dhaliyay.

GOOAL: Madrid ayaa daqiiqad kaddib goolka furitaanka ka yaabsatay markale kooxda martida u ahayd waxaana shabaqa gaadhay isla Asensio oo caawin ka helay Vinicius JR.

GOOAL: Kooxda Melilla ayaa 6 daqiiqo gudaheed lagu soo af-jaray, Da’yarka kulankan fursada ka helay tababare Santiago Solari ee Javi Sanchez ayaa daqiiqadii 38-aad god dheer ku riday rajada Melilla.

Isco oo kulankan hoggaaminayay Real Madrid ayaa kahor dhammaadkii qaybta hore hoggaanka u dheerayn gaadhay kooxdiisa balse dedaalka uu kusoo bixiyay kubadda ayaa ku dhammaaday birta goolka.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay hoggaan buuxa isla markaana ay ka muuqato awood cadi, Real ayaa lahayd 3-0 iyadoo waliba ay garoonka ka maqnaayeen inta badan xiddigaha muhiimka ahi.

GOOAL: Los Blancos ayaa lasoo laabtay gool qaybtii dambe, Isco oo dhawaanahan waayay kalsoonida Solari ayaa magaciisa ku qoray goolka afraad, Goolkan ayaa ahaa mid cajiib ah oo uu xiddiga ree Spain ka dhaliyay xagal sarre.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid qaboobayoo ay yaraadeen fursaduhu, Ciyaartan ayaa ahayd mid ay doorka ugu weyn ku leeyihiin Asensio iyo Isco oo labaduba ku dhiban inay qanciyaan tababare Santiago Solari.

GOOAL: Vinicius Jr ayaa ugu dambayn helay goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda, Goolhayaha Melilla ayaa bad-baadiyay darbada da’yarkan marka hore balse ku celiska ayaa noqday isku dayga uu shabaqa ku gaadhay.

GOOAL: Kooxda martida ahayd ee Melilla ayaa la timid goolka sharafta, Yacine oo kooxda martida ahayd qayb ka ahaa ayaa rigoore uu galay daafaca Madrid ee Sanchez gool u bedelay.

GOOAL: Goolasha kulankan ayaa ahaa kuwo aan kala joogsi lahayn, Kabtanka Madrid ee kulanka ee Isco ayaa goolkiisii labaad ee ciyaartan dhaliyay isaga oo natiijada ka dhigay 6-1.