Kooxda Liverpool ayaa heli doonta 5 milyan oo euro oo uga imaaneysa Real Madrid, si Trent Alexander-Arnold uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee Kooxaha (Club World Cup), sida uu warinayo El Chiringuito TV.
Daafaca reer England oo 26 jir ah ayaa si xor ah ugu wareegaya Real Madrid xagaagan, balse qandaraaskiisa Liverpool wuxuu sii soconayaa ilaa 30-ka Juunyo. Real Madrid ayaa doonaysa inuu u ciyaaro Koobka Adduunka ee Kooxaha, kaasoo bilaabanaya 15-ka Juunyo.
Si taas loo suurtageliyo, kooxda reer Spain ayaa diyaar u ah inay siiso Liverpool 5 milyan oo euro, inkastoo horey loo sheegay in lacagtaasi ay ahaan doonto 2 milyan oo euro.
Waxaa la rumeysan yahay in heshiiskan uu qeyb ka yahay xiriirka wanaagsan ee labada kooxood u dhexeeya iyo rabitaanka Real ee ah in Trent si degdeg ah ugu ciyaaro kooxdooda.