Real Madrid Oo Liverpool Ka Afduubaneysa Xiddiga Ugu Qaalisan Suuqa

Warbixin ka timid warbaahinta Spain ayaa sheegaysa in Real Madrid weli si dhab ah ugu jirto loollanka saxiixa khadka dhexe ee Bayer Leverkusen, Florian Wirtz, si ay u xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska “AS” ayaa sheegay in Real Madrid aysan diyaar u ahayn inay calanka cad kor u qaaddo oo ay ka tanaasusho heshiiska Wirtz, inkasta oo ciyaaryahanka si aad ah loola xiriirinayo Liverpool.

Sida laga soo xigtay warbixinta, Real Madrid ayaa la yaabtay hadallo ka soo baxay masuuliyiinta Bayern Munich oo sheegayay in Wirtz uu heshiis la gaaray kooxda Reds.

Wargeyska ayaa intaas ku daray in ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Real Madrid in xiddiga da’da yar ee Jarmalka uusan weli saxiixin heshiis rasmi ah oo uu ugu wareegayo koox kale.

Los Blancos ayaa u muuqata inay sii wadayso tartanka loogu jiro Wirtz, iyadoo ay kooxo badan oo waaweyn doonayaan xiddiga si weyn u iftiimay xilli ciyaareedkii 2024–2025.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football