Real Madrid Oo Laga Yaabo Iney January Lasoo Saxiixato Mario Hermoso & Laba Arrimood Oo Sahli Karta Heshiiska.

Mario Hermoso ayaa noqday hadal heynta saxaafadda Spain kadib markii si layaab leh looga yeeray qaranka Spain, taas kaliya maahan ee sidoo kale wuxuu xiiso ka helayaa kooxda Real Madrid.

Los Blancos xiddigaan waxey ku heli kartaa kaliya 7.5 Malyan oo Yuuro, balse waxey sugayaan hadii uu taam buuxa yahay Jesus Vallejo, sidoo kalana xiddigaan tartan Kale ayuu ka abuuri karaa Santiago Bernabeu.

Kooxda Espanyol ma dooneyso iney iska iibiyaan maadaama uu ka mid yahay xiddigahooda ugu muhiimsan, balse Madaxweynaha kooxda Chen Yansheng  ayaa doonaya lacag uu akoonkiisa ku miisaamo.

Dhanka kale waxaa la isla dhexmarayaa in xiddigaan ay laba arrimood oo kale u sahli karaan inuu yimaado Madrid.

Xiddigaan wuxuu ku daydaa Sergio Ramos, sidoo kalana wuxuu kasoo qalin jabiyay kuleejka Madrid, wuxuu u ciyaaray kooxda yar yar ee La Fabrica ka hor inta uusan amaah ku aadin Real Valodollid.

Si kastaba xiddigaan waxaa isha ku haya sidoo kale Arsenal iyadoo Unai Emery uu dhawr jeer wakiilo soo daawada u diray.

Kooxda ka dhisan Catalan ee Espanyol waxey ku jirtaa kooxaha fasalkaan ugu difaaca fiican La Liga, waxaana looga mahadcelinayaa hanaanka wanaagsan ee Mario Hermoso.