Warbixin kasoo baxday warbaahinta Spain ayaa shaaca ka qaaday taariikhda ay Real Madrid si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto cusboonaysiinta qandaraaska xiddiga reer Brazil Vinicius Junior, kaasoo hadda ku eg xagaaga 2027.
Sida uu sheegay wariyaha José Félix DÃaz, Real Madrid ayaa si buuxda ula heshiisay Vinicius Jr si loo kordhiyo heshiiskiisa, kaas oo la filayo inuu socon doono illaa 2030 ama 2031.
Isla warbixinta ayaa intaas ku dartay in dhammaan faahfaahinta heshiiska la dhammaystiray, iyadoo lagu wado in si rasmi ah loogu dhawaaqo marka uu dhamaado Koobka Adduunka ee Naadiyada.
Waxaa xusid mudan in cusboonaysiinta heshiiska Vinicius Jr ay meesha ka saarayso dhammaan wararka la xiriirinayay inuu u wareegayo horyaalka Sacuudiga, kuwaas oo dhawaanahan si xoog leh u soo baxay.