Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay mustaqbalka daafaca da’da yar ee reer Spain, Raul Asensio, kaasoo qandaraaskiisu ku ekaa xagaaga 2026.
Sida ay sheegtay warbaahinta Spain ee Marca, kooxda boqortooyada ayaa heshiis cusub la gaartay Asensio si loo kordhiyo qandaraaskiisa ilaa xagaaga 2031.
Isla warbixintaas ayaa tilmaantay in Real Madrid si rasmi ah u shaacin doonto heshiiska cusub toddobaadyada soo socda.
Raul Asensio ayaa bandhig cajiib ah la yimid xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay 42 kulan tartamada oo dhan, taasoo muujinaysa kalsoonida tababaraha iyo saameynta uu ku yeeshay kooxda.