Real Madrid ayaa weli ka quusan doonista saxiixa Martin Zubimendi, inkastoo la fahamsan yahay in xiddiga khadka dhexe ee Real Sociedad uu heshiis shaqsi ah la gaaray Arsenal. Zubimendi ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee tababare Xabi Alonso si uu u xoojiyo khadka dhexe xilli ciyaareedkiisa ugu horreeya ee Real Madrid.
Inkasta oo heshiiska u dhexeeya Arsenal iyo Zubimendi aan la dhammeystiri doonin ilaa bisha July, dib u dhacaas ayaa si weyn u dhiirrigelinaya Real Madrid inay isku dayaan in ay afduubaan saxiixiisa. Sida laga soo xigtay wargeyska Diario AS, Real Madrid ayaa go’aansatay inay sameyso isku daygii ugu dambeeyay si ay u helaan Zubimendi, iyadoo ciyaaryahanku la rumeysan yahay inuu doorbidayo inuu sii joogo Spain.
Kooxda reer Madrid ayaa weli ka caga jiideysa bixinta lacagta 60 milyan euro ee lagu burburin karo qandaraaska Zubimendi, waxayna doonayaan in Real Sociedad la siiyo ciyaartoy amaah ah si heshiiska loo yareeyo. Sidoo kale, Zubimendi ayaa u baahan doona inuu aqbalo mushaar ka yar kan uu Arsenal ka heli lahaa, taasoo noqon karta fursad kale oo Real Madrid ka faa’iideysato. Inkastoo ay jiraan caqabado, Real Madrid wali waxay rumeysan tahay inay heli karaan saxiixa.