Real Madrid Oo Beddelka Modric U Aragta Xiddig PSG Laf-dhabar U Ah

Kooxda Real Madrid ayaa durba qorshaynaysa mustaqbalka ay la kulmi doonto kadib bixitaanka Luka Modric, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay si gaar ah u danaynayaan Vitinha, oo ka tirsan Paris Saint-Germain.

Sida lagu sheegay warbixin ka timid Real Madrid Confidencial, kooxda reer Spain waxay u aragtaa Vitinha inuu yahay kan ugu cad-cad ee buuxin kara kaalinta Modric marka uu Croatian-ka ka tago kooxda kaddib Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Vitinha ayaa bandhig weyn sameeyay kulankii kama dambaysta ahaa ee Champions League, halkaas oo PSG ay 5-0 ku xasuuqday Inter Milan.Maamulidda khadka dhexe iyo kubad qeybintiisa deggan ayaa soo jiidatay indhaha taageerayaal badan iyo kuwa Real Madrid.

Owen Hargreaves, oo ka hadlayay TNT Sports, ayaa yiri: “Vitinha wuxuu u ciyaaraa sida Luka Modric. Waa ciyaaryahan aan laga hortagi karin.” Wuxuu intaa ku daray: “Wuxuu si weyn ugu eg yahay Modric laftiisa — taasna waa ammaan sare oo aan la dhaafi karin.”

Real Madrid waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa ciyaaryahanka Angelo Stiller, balse bandhiggii dhawaan ee Vitinha ayaa u muuqda mid ku riixaya safka hore ee doorashada.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football