Real Madrid iyo Liverpool ayaa gaadhay heshiis is-afgarad ah si Trent Alexander-Arnold ugu ciyaaro Real Madrid tartanka Club World Cup, sida uu sheegay wargeyska COPE.
Labada koox ayaa haatan is dhaafsanaya waraaqaha rasmiga ah ee heshiiska si loo dhamaystiro wareejinta ciyaaryahanka.
Inkastoo qandaraaska Trent uu kula jiro Liverpool uu dhacayo 30ka June, tartanka Club World Cup ayaa u bilaabanaya Real Madrid bartamaha bisha June.
Sidaas darteed, heshiiskan gaarka ah ayaa u oggolaanaya difaaca reer England inuu u ciyaaro kooxda cusub kahor dhamaadka bisha June.
Trent Alexander-Arnold ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay ciyaaryahan cusub oo ka tirsan Real Madrid saacadaha soo socda.