Madaxweyneha La Liga Javier Tebas ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Real Madrid, Florentino Pérez, inuu isku dayayo inuu xilka ka qaado. Tebas ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka El Larguero ee Cadena SER, ayaa sheegay in Pérez “uu isku dayayo inuu Fifa ku qanciyo in shaqada la iga ceyriyo.”
Tebas ayaa carrabka ku adkeeyey in xiisadda ay ka dhalatay muranka ku saabsan Super League, garsoorka, iyo xeerarka caddaaladda maaliyadeed. Isagoo sidoo kale tixraacaya xidhiidhkiisa sii xumaanaya ee Real Madrid, ayuu yiri: “Wuxuu isaarayaa culeys… ma doonayo inuu kubadda cagta horumariyo — wuxuu doonayaa danihiisa keliya” ayuu Tebas ku yiri qoraal X (hore Twitter) uusoo geliyay.
Waxaa la sheegay in Real Madrid ay qaadday talaabooyin sharci oo lagu doonayo in si ku meelgaar ah loo joojiyo shaqada Tebas. Nasiib darro, Tebas waa geesi, wuxuuna sheegay inuu taageero ka heysto inta badan kooxaha La Liga, isagoo balanqaaday inuu howshiisa sii wadi doono.
Weerarkan hadda ah ayaa ka turjumaya in khilaafka ka taagan xagga sare ee kubadda cagta Spain ay cirko isku sii shareertay, iyadoo labada dhinac ay isu diyaarinayaan dagaal sharci.