Rayan Cherki oo kusoo biiray Manchester City ayaa sheegay iney weli xisaab ugu dhiman tahay Manchester United, taasoo la xiriirta kulankii ay United ka adkaatay kooxda Lyon Europa League xilli ciyaareedkii hore.
Wuxuu u sheegay Daily Mail:
“Ma jecleysan markii Manchester United ay guusha ka gaartay Lyon sababtoo ah anigu waxaan ahay Lyonnais,” ayuu yiri Cherki.
“Hadda waxaan sugayaa la kulanka United si aan u burburiyo. Waxaan si gaar ah u doonayay inaan imaado Manchester City.”
“Markii aan la hadlay Pep Guardiola, wuxuu aad u cadeeyay rabitaankiisa – nidaamka, kooxda, magaalada – dhammaantood waa kuwo fiican. Waxaan rabaa inaan guuleysto, City-na waxay rabtaa inay ku guuleysato wax walba. Aniga ahaan, taasaa igu filan”
“Markaad aragto Rodri oo Ballon d’Or ku guuleystay halkan – waxay caddeynaysaa in City wax walba laga gaari karo, anigana waxaan halkan u joogaa taas.”
Cherki wuxuu fursad u heli doonaa ugu yaraan laba jeer inuu aargoosto marka la gaaro kulamada Manchester derby xilli ciyaareedka soo socda.