Raul Asencio Oo Shaqada Ka Eryay Qareenadiisa Kadib Markii Fadeexaddii Muuqaalka Galmada Ay Waji Cusub Yeelatay

Difaaca kooxda Real Madrid, Raul Asencio, ayaa shaqada ka eryay qareenadiisa kadib markii dacwad-ooge cusub uu ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay fadeexad muuqaal galmo ah oo lala xiriiriyay qof yar da’ ahaan, sida uu qoray wargeyska Marca.

Dacwad-oogaha ayaa dalbanaya in Asencio lagu xukumo afar sano oo xarig ah, inkasta oo maxkamad hore ay bishii May si buuxda u sheegtay inuu wax dambi ah ku lahayn kiiskaas – iyadoo la sheegay inuusan qayb ka ahayn samaynta ama faafinta muuqaalka.

Hadda, Raul Asencio waxaa kiiska u sii wadi doona qareennada kooxda Real Madrid, kuwaasoo si adag u rumeysan in ciyaaryahanku yahay mid aan wax dambi ah gelin.

Dacwad-oogaha cusub ayaa ku adkeysanaya in Asencio uu goobta falka ka dhacay joogay, taasoo uu u arko sabab lagu ciqaabi karo – inkasta oo aan jirin wax caddeyn ah oo si toos ah ugu xidhaya falka ceebta leh.

Kiiskan ayaa mar kale dib u soo laabtay, waxaana muuqata inuu waji cusub yeelan doono, iyadoo Real Madrid ay si buuxda u garab taagan tahay xiddigeeda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football