Rasmus Hojlund Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Manchester United

Weeraryahanka Manchester United, Rasmus Hojlund, ayaa ka hadlay wararka isa soo taraya ee sheegaya inuu ku biiri karo Inter Milan xagaagan, isaga oo si cad u muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu sii joogo Old Trafford.

Warbixino dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in xiddigan reer Denmark oo 22 jir ah uu diyaar u yahay inuu u wareego kooxda waaweyn ee Serie A, iyadoo ay jiraan sheegashooyin sheegaya in Manchester United ay wadahadallo la geli doonto Inter.

Si kastaba, Hojlund ayaa haatan beeniyay wararkaasi, isagoo yiri:

“Waxaan heystaa qandaraas ilaa 2030, sidaas darteed waxaan filayaa inaan u ciyaaro Manchester United. Waxaan rajeynayaa fasax xagaaga ah, kaddibna si buuxda ayaan diiradda u saari doonaa mashruuca socda. Waan ogahay in akhrinta waxyaabaha la qorayo aysan wax badan ii taraynin.

“Waxaan ogahay xaqiiqada, waana tan: waxaan qandaraas kula jiraa Manchester United ilaa 2030. Sidaas darteed waxaan filayaa inaan halkaas sii joogo, waxaana isku diyaarinayaa fasaxa xagaaga iyo, xilli ciyaareed wanaagsan,” ayuu Hojlund ku yiri hadal uu jeediyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football