RASMI: Santiago Solari Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka Celta Vigo-Ayaa Maqan Ayaase Liiskan Ku Soo Baxay?

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu ku shaqayn doono kulanka adag ee ay Madrid booqanayso kooxda dhibta badan ee Celta Vigo. Solari ayaa doonaya in uu maamulka Madrid ku cadaadiyo in shaqada si rasmi ah loogu doorto haddii ay xaaladu u sii socoto qaabka fiican ee uu Bernabeu ugu soo bilawday.

Inkasta oo ayna ilaa hadda Real Madrid ku dhiiran karin in ay Solari u magacaabaan tababaraha rasmiga ah ee kooxdooda waxay haddana ku raaxaysanayaan maamulka sare ee Bernabeu ku farxsan yihiin in Solari uu kooxda ka saaray musiibadii uu Lopetegui dhex galiyay.

Santiago Solari ayaan wali liiska kooxdiisa ku haysan difaacyada Marcelo iyo Dani Carvajal waxayna seegayaan kulanka Celta Vigo waxaana shaqada sii wadan doona xidighii uu Solari ku soo shaqeeyay kulankii Plzen.

Raphael Varane ayaa isna wali ka sii maqan liiska ciyaartoyda Real Madrid taas oo la micno ah in Sergio Ramos iyo Nacho Fernandez ay ka sii ciyaari doonaan difaaca dhexe.

Solari ayaa markale liiska ciyaartoyda kooxdiisa ku soo darsaday da’yarka uu fursada fiican siiyay ee Vinicius Jr kaas oo markale rajaynaya in uu xaalada Bale ka faa’iidaysan doono.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid ee uu Solari u Doortay Kulanka Celta Vigo:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Kiko Casilla, Thibaut Courtois.

Difaaca: Sergio Ramos, Nacho, Odriozola, Reguilon, Javi Sanchez

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Valverde, Marco Asenio,Isco, Dani Caballos.

Weerarka: Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazguez, Vinicius Jr.