RASMI: Real Madrid Oo Qoraal Rasmi Ah Kasoo Saartay Wararka Dhawaan Soo Baxay Ee Sheegaya Inay Ka Dambeeyaan Cadaadiska Uu Cristiano Ronaldo Kala Kulmayo Kiiska Kufsiga Ee Loo Haysto.

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa ugu dambayn u adkaysan wayday wararka maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay ee sheegaya inay yihiin kuwa ka dambeeya kiiska kufsiga ee sii adkaanaya ee Cristiano Ronaldo loo haysto waxaana ay si rasmi ah uga soo saareen qoraal ay kaga hadlayaan arrimahaas.

Kiiska kufisga ee ay Kathryn Mayorga ku eedaynayso weeraryahanka Juventus ayaa u muuqda mid markasta sii xumaanaya taas oo keentay in wargeyska ree Portugal ee Correio da Manha uu ku dooday in qareenada kooxdu ay kulamo dhawr ah la qaateen qareemada CR7 isla markaana ay waji kale u yeelayaan kiiskan.

Haddaba, Los Blancos ayaa qoraalkan ku shaacisay inay talaabo sharci ah ka qaadayso Correio da Manha waxaana ay dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaameen xogtan iyaga oo wargeyska ku sheegay mid dadaal ugu jira si uu u dhaawaco sawirka kooxda.

Qoraalka Madrid ayaa u yaalay sidan “Real Madrid waxa ay maanta ku dhawaaqaysaa in kooxdu ay talaabo sharci ah ka qaadayso wargeyska ree Portugal ee Correio da Manha ee kaddib inuu daabacay xog faalso ah iyaga oo dadaal ugu jira inay si xun u dhaawacaan sawirka kooxda.”

“Real Madrid gabi ahaanba wax aqoon ah uma laha wax ku saabsan xogta uu wargeysku daabacay ee la xidhiidha ciyaartoyga Cristiano Ronaldo, Sidaa darteed kooxdu may awoodin inay wax talaabo ah ka qaado xaalad aysan wax aqoon ah u lahayn”

“Real Madrid waxa ay dib u sax guud ka dalbatay xaalada ka timid warkan uu hore u sheegay wargeysku”