RASMI: Raheem Sterling Oo Qandaraaska U Kordhiyay Manchester City Taasoo Meesha Ka Saareysa Xiisihii Real Madrid

Raheem Sterling ayaa qandaraaska u kordhiyay Manchester City isagoo kooxda baaqi ku sii ahaan doona ilaa iyo 2023.

Horaantii bishaan ayay aheyd markii wakiilada Raheem Sterling ay heshiis afka ah la gaareen agaasimaha kubada cagta City Txiki Begiristain oo ku saabsan qandaraaska cusub.

Heshiiska cusub ee uu saxiixay Sterling ayaa waxa ay meesha ka saareysaa xiisihii kooxda Real Madrid ay u heysay xiddiga reer England isagoo go’aansaday inuu la sii shaqeeyo tababare Pep Guardiola.

Qandaraaskii hore ee Sterling ayaa dhacayay muddo 18 bilood gudaheed ah, laakiin waxa uu haatan mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.

Sterling ayaa haatan kooxda la joogi doonaa ilaa iyo sannadka 2023 ka dib markii uu ogolaaday heshiis cusub oo qandaraaska loogu kordhinayo, waxaana uu isbuucii mushahar ahaan u qaadan doonaa 300 kun ginni.

City ayaa isku dayaysay inay qandaraaska u cusbooneysiiso xiddiga reer England tan iyo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin waxa ay kaliya xal heleen isbuucyadii u danbeysay iyagoo haatan ka saxiixay heshiis shan sannadood ah.