Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si xor ah uga tagayaan sagaal ciyaaryahan, iyagoo sii wada dib-u-dhiska kooxdooda kaddib xilli ciyaareedkii ugu xumaa muddo 50 sano ah — waxay ku dhameysteen kaalinta 15-aad ee Premier League iyagoo aan wax koob ah qaadin.
Xiddigga ugu magaca weyn ee la fasaxay waa Christian Eriksen, oo 33 jir ah. Halyeeyga xulka Denmark wuxuu United kaga soo biiray Brentford xagaagii 2022, isagoo u ciyaaray saddex xilli ciyaareed.Wuxuu United kula guuleystay FA Cup iyo League Cup.
Victor Lindelof, daafaca reer Sweden oo 30 jir ah, isaguna waa la fasaxay kaddib siddeed sano oo uu joogay kooxda. Waqtigii ugu dambeeyay fursadiisa ciyaareed ayaa yaraatay, balse wuxuu kooxda u saftay ku dhowaad 300 kulan.
Jonny Evans, oo 37 jir ah, ayaa doortay inuu ka fariisto kubadda cagta markii qandaraaskiisu dhacay. Wuxuu mar labaad ugu soo laabtay United 2023 si degdeg ah, waxaana labadiisa waqti uu guud ahaan u saftay 241 kulan, isagoo la qaaday koobab badan.
Ciyaartoyda kale ee la fasaxay waa kuwa aan si weyn loo aqoon:
– Hubert Graczyk
– Jack Kingdon
– Sam Murray
– Tom Myles
– James Nolan
– Tom Wooster
Waxaa la filayay in goolhayaha saddexaad Tom Heaton isna la fasaxo, balse wuxuu saxiixay hal sano oo dheeraad ah.
United ayaa hadda dib u dhis xooggan wada, iyadoo isku dayaysa inay kasoo kabsato burburkii xilli ciyaareedkii hore.