RASMI: Luis Enrique Oo Magacaabay Liiska Qaranka Spain, Jordi Alba Oo Soo Laabtay & Magacyo Layaab Leh Oo Kusoo Baxay.

Hal bil ka hor ayuu Luis Enrique u sheegay saxaafadda in markiisa xigta ee uu soo magacaabayo liiska qaranka ay ku jiri doonaan magacyo layaab leh, wuu ka dhabeeyay maadaama uu sideed isbadal ku sameeyay qarankii ugu dambeeyay.

Ciyaartoyda uu saaray waxaa ku jira Nacho Fernandez iyo Paco Alcacer, balse wuxuu markii ugu horreysay u yeeray Jordi Alba oo ka mid ah shaqsiyaadka ay isku kacsanaayeen Enriqu wakhtigiisii kooxda Barcelona.

Daafaca dhexe ee Espanyol Mario Hermoso, xiddiga Villarreal Pablo Fornals kaas oo La Roja kasoo muuqday 2016, balse layaabka ugu weyn wuxuu yahay markii uu u yeeray Brais Mendez oo ka tirsan Celta Vigo.

Isco & Sergio Roberto ayaa dhaawacyo kasoo laabtay halka sidoo kale loo yeeray labada xiddig ee kala ah: Diego Llorente & Inigo Martinez.

24-ka xiddig ee la magacaabay waxaa laga soo xulay 14-kooxood oo yurub ka ciyaara, 5- ka mid ah waa kooxood ka dhisan Premier League halka Talyaaniga kaliya hal koox laga soo qaatay.

LIISKA QARANKA SPAIN OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhaye: De Gea, Kepa iyo Pau López.

Daafacyada: Jonny Otto, Azpilicueta, Diego Llorente, Ramos, Mario Hermoso, Íñigo Martínez, Gayá iyo Jordi Alba.

Khadka Dhexe: Busquets, Fornals, Brais, Sergi Roberto, Saúl, Ceballos, Rodri.

Weerar: Suso, Rodrigo, Iago Aspas, Morata, Isco iyo Asensio.