Lamine Yamal ayaa si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis cusub oo waqti dheer ah oo uu kula sii joogi doono kooxda Barcelona.
Heshiiskan cusub ayaa Lamine ku sii haynaya FC Barcelona ilaa xagaaga 2031.
Mushaharka Lamine ee Barcelona ayaa sidoo kale sare u kacaya kadib heshiiskan cusub.
17-jirkan ayaa gaaray heer u baahan in la tixgeliyo, kadib bandhigyadiisii cajiibka ahaa xilli ciyaareedkan, waxaana uu helay abaalmarin uu mudnaa.
Kahor inta uusan gaarin da’da 18 sano, Lamine Yamal ayaa u ciyaaray Barcelona 106 kulan, isagoo dhaliyay 25 gool kana caawiyay 34 kale.