Rasmi: Isku Aadka Wareega 16-ka Ee Koobka Adduunka Ee Kooxaha Oo Lasoo Saaray

16-ka kooxood ee u soo baxay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka ee Kooxaha, oo haatan ka socda dalka Mareykanka, ayaa la xaqiijiyay kadib dhamaadkii heerka group-yada ee dhacay habeenkii jimcaha ay soo galeysay.

Kooxaha kaalmaha koowaad iyo labaad kusoo baxay ayaa u gudbay wareegga bug-baxa, taasoo calaamad u ah bilowga dagaalka loogu jiro hanashada billadda caalamiga ah.

Ciyaaraha wareegga 16-ka ayaa bilaaban doona Sabtida soo socota, iyadoo taageerayaal badan ay si weyn u sugayaan kulamo culus oo kooxo waaweyn isku arki doonaan.

Isku-aadka wareegga 16-ka:

Paris Saint-Germain × Inter Miami

Flamengo × Bayern Munich

Real Madrid × Juventus

Borussia Dortmund × Monterrey

Palmeiras × Botafogo

Benfica × Chelsea

Inter Milan × Fluminense

Manchester City × Al-Hilal

Wareeggan ayaa ballanqaadaya ciyaaro xiiso badan oo ay isugu iman doonaan kooxo waaweyn oo qaaradaha kala duwan matalaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football