RASMI: Daafaca Manchester United Ee Luke Shaw Oo Heshiis Wakhti Dheer Ah Saxeexay, Mushahaarka Uu Qaadan Doono & Hadaladii Shaw Iyo Mourinho Ee Heshiiska Kaddib.

Daafaca kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa ugu dambayn qalinka ku duugay heshiiskii la filayay inuu u saxeexi doono kooxdiisa, Shaw iyo tababare Jose Mourinho ayaa dareenkooda cabiray heshiiska kaddib xilli uu heshiiskan cusubi horumarin doono mushahaarkii daafacan.

Mustaqbalka Shaw ee United ayaa hore loo filayay inuu si dhakhso ah ku dhammaan doono balse dib u dhalashada xiddigan ee xilli ciyaareedkan iyo qaab ciyaareedkiisa kulamadii ugu dambeeyay ee isku halaynta leh ayaa ah kuwo soo jiitay maamulka kooxda.

Shaw ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sano ah waxaana uu heshiiskan ku kasban doonaa mushahaar dhan £190,000 toddobaadkii taas oo ka dhigaysa mid kamid ah daafacyada ugu mushaharka badan Premier League.

Haddaba, Kaddib heshiiskan 23 jirkan ayaa sheegay inuu wali yahay ciyaartoy da’ ahaan yar isla markaana uu sugi kari la’yahay inuu horumarkiisa kasii wado kahoos ciyaarista Mourinho dhinaca kale Jose ayaa sheegay in Shaw uu u qalmo heshiiskan cusub.

Luke ayaa qandaraaska kaddib yidhi “Wali waan yarahay waxaana jira waxyaabo badan oo ay tahay inaan barto, Ma sugi karayo inaan horumarkayga kusii wado kahoos ciyaarida Mourinho”

Dhinaca kale Mourinho ayaa markiisa yidhi “Luke si buuxda ayuu ugu qalmaa qandaraaskan, wuu fahmayaa habka horumarkliisa, Xaqiidii si adag ayuu usoo shaqeeyay heerkasta waxaana uu aaminsan yahay naftiisa taas oo ah sifo wanaagsan oo la yeesho”

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiskan cusub ee uu Luka Shaw qalinka ugu duugay Man United ayaa la filayaa inuu furitaan u noqdo heshiis kordhin badan oo ay ka saxeexato xiddigo badan oo safkeda ka tirsan balse uu qandaraaskoodu xilli ciyaareedkan ku eegyahay.