Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah u xaqiijisay saxiixa Joan Garcia oo ay kala soo wareegeen kooxda deriskooda ah ee Espanyol.
Barcelona ayaa bixisay lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa (€25 milyan), iyaga oo si toos ah lacagta ugu diray xafiisyada La Liga, taasoo la micno ah in aysan wax wadahadal ah la yeelan Espanyol.
Garcia ayaa Barcelona u saxiixay heshiis lix sano ah, sida ay kooxda xaqiijisay.
Joan Garcia ayaa la filayaa inuu noqdo gool-hayaha koowaad ee kooxda Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, isagoo keydka dhigi doona Marc-André ter Stegen iyo Wojciech Szczesny oo isna dhawaan la keenay kooxda.
Kusoo dhawoow barce joan