Rasmi: Arsenal Oo Lasoo Wareegtay Xiddig Brentford U Ciyaara

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay sida BBC Sports iyo suxufiga caanka ah Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Arsenal iyo Brentford ay gaareen heshiis dhammeystiran oo ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee reer Denmark, Christian Nørgaard.

Arsenal ayaa ogolaatay in ay bixiso €11 milyan oo euro (qiyaastii £9.3 milyan), waxaana sidoo kale la isla meel dhigay heshiiska shaqsiga ah ee ciyaaryahanka. Brentford ayaa fasaxday Nørgaard si uu u safro oo uu u maro tijaabada caafimaadka.

Nørgaard oo 31 jir ah ayaa noqon doona mid ka mid ah laba ciyaaryahan oo cusub oo khadka dhexe ciyaara, kuwaas oo lagu wado inay beddelaan Thomas Partey iyo Jorginho, kuwaas oo labaduba kooxda macsalaameeyay.

Nørgaard waa ciyaaryahan khibrad badan leh oo si weyn uga soo muuqday Brentford tan iyo markii ay u soo gudbeen Premier League. Waxaa lagu yaqaannaa inuu yahay xiddig difaac adag, maskax furan leh oo kooxda dheellitir u keeni kara.

Waxaa la filayaa in Arsenal ay si rasmi ah u shaaciso saxiixa marka tijaabada caafimaadka la dhammeeyo maalmaha soo socda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football