Raphinha ayaa waraysi uu siiyay Mundo Deportivo ku muujiyay sida uu ula dhacsan yahay xidigga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, iyo rajadiisa ku aaddan mustaqbalka ciyaaryahanka.
“Lamine Yamal xad ma leh. Wuxuu tagi karaa halkii uu doono. Waxaan horey uga hadlay arrintan, si cad ayaan ugu sheegay,” ayuu yiri Raphinha. “Wax walba isaga ayey ku xiran yihiin. Wuxuu leeyahay tayo, dadaal iyo anshax shaqo oo wanaagsan. Waxa uu garoonka ku qabto qof walba wuu arkaa.”
Raphinha ayaa sidoo kale xusay doorkiisa hogaamineed ee kooxda:
“Waxaan ciyaartoyda da’da yar baraa dadaalka iyo u heellanaanta kooxda. Haddii ay taas la yimaadaan, waxay noqon karaan kuwa ugu wanaagsan adduunka boosaskooda.”
Wuxuu hadalkiisa ku daray:
“Waxaan si gaar ah ula hadlay Lamine oo aan u sheegay: wax walba adiga ayaa iska leh. Tayada, dadaalka, iyo akhlaaqda shaqo aad leedahay waa kuwa kaa dhigaya mid gaar ah. Aniga ahaan, wax xad ah malahan horumarkaaga.”