“Anigu kaliya ma ahayn qofka ka fikirayay bixitaanka; dad badan ayaa rabay inaan tago. Taageerayaal badan, laga yaabee maamulka, kama aysan helin waxa aan qabanayay, dad badan [ayaa rabay inaan baxo],” ayuu Raphinha u sheegay wargeyska Sport.
“Anigu waxaan aaminsanahay in haddii aan laguugu soo dhoweyn meel, ay wanaagsan tahay inaadan joogin. Ma fiicna inaad madaxa ku garaacdo derbiyada. Waxaan arrimahan u arkaa si cad.
“Haddii aysan rabin inaan halkan joogo, waan tagayaa. Waxaan leeyahay yoolal shaqsiyadeed; waxaan rabaa inaan ciyaaro. Waxaa laga yaabaa in kahor xilli ciyaareedka aan ka baqayay inaanan helin boos aan ka ciyaaro, balse waan garanayaa waxaan ahay. Waan ogahay sida aan u daryeelo jirkeyga, sida aan ugu heellanahay xirfaddayda, waxaana ogahay in markii tababaraha la beddelay, aan helay fursad cusub oo aan ku muujiyo kartideyda iyo habkayga shaqo.
“Tani waxay iga dhigtay inaan ka fikiro inaan sii joogo. Tababare [Hansi Flick] ayaa ila soo hadlay wuxuuna ii sheegay inuu igu tashanayo. Wicitaankiisa wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah sababtoo ah wuxuu beddelay fikirkeygii.
“Qofka kaliya ee iga joojin karay [bixitaanka] wuxuu ahaa isaga [Flick], waana uu sameeyay,” ayuu Raphinha ku soo gabagabeeyay.
Wicitaankii Flick ayaa noqday mid miro dhal ah, maadaama Raphinha uu dhaliyay 34 gool islamarkaana caawiyay 25 kale, taasoo Barcelona ku reebtay raad dhammaan tartamada gudaha ee Spain.