Raphinha Oo Ballanqaad Waalli Ah U Sameeyay Taageerayaasha Barcelona Kadib Heshiiskii Cusbaa Ee Uu Saxiixay

Raphinha ayaa si cad u muujiyay jacaylka uu u qabo Barcelona kaddib markii uu hal sano oo dheeraad ah ku kordhiyay heshiiskiisa, taasoo la micno ah inuu kooxda la sii joogi doono illaa sanadka 2028.

“Riyadaydu waa inaan joogo Barça illaa dhammaadka xirfaddayda,” ayuu yiri Raphinha. “Tan iyo maalintii aan imid, ujeeddadaydu waxay ahayd inaan la qaado koobab badan kooxdaan, waana middaas waxa weli iga go’an.”

Isagoo ka hadlayay garoonka kooxda ee dib loo furayo, ayuu intaa ku daray: “Inaan ku laabano Camp Nou? Garoonka Spotify Camp Nou waa gurigeenna. Ma jiraan wax beddeli kara taas. Tan iyo maalintii aan ka tagay, waxaan jeclaa inaan dib ugu laabto.

“Ma garanayo dadka kale sida ay u arkaan, laakiin aniga aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mar kale halkaa ku ciyaaro oo aan arko taageerayaasheenna. Gurigeennu waa gurigeenna, waana meel aan mar walba doonayno inaan joogno,” ayuu Raphinha hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football