Raheem Sterling Oo Rigoore Ku Guuleystay Ka Dib Markii Uu Dhulka Haraantiyay & Pep Guardiola Oo Ka Hadlay

Raheem Sterling ayaa raaligelin ka bixiyay rigooradii been abuurka aheyd ee uu ku guuleystay kulankii ay guusha weyn xalay gaartay Manchester City.

Garsoore Viktor Kassai ayaa si qaldan rigoore ugu dhigay City goolkoodii labaad markii uu Sterling dhulka haraantiyay islamarkaana uu dhacay.

Xiddiga reer England ayaan u sheegin garsooraha inaysan cidna taabanin balse uu dhulka haraantiyay laakiin ciyaarta ka dib ayuu raaligeliyay garsooraha iyo Shakhtar ka dib guushii ugu weyneyd ee ay City ku gaartay Champions League.

“Waxaan doonayay inaan kubada qaaro, ma aqaano wixii dhacay” ayuu yiri. “Waxaan is arkay anigoo dhulka jiifa, dibna ayaana u soo jeestay.

“Uma maleynayo inay cidna i taabatay. Waxaan ku dhacay dhulka. Waxaan raaligelinayaa garsooraha, waxaan raaligelinayaa Shakhtar.”

Pep Guardiola ayaa sheegay inuu durbadiiba ogaa inaysan rigoore aheyn, waxaana uu qirtay inay aheyd in Sterling uu saxo garsooraha.

“Durbadiiba waan ogaaday inaysan rigoore aheyn” ayuu yiri tababaraha Manchester City. “Ma jeclin inaan xaalad sidaas oo kale ah gool ku dhalino. Raheem inuu garsooraha la hadlo ayay aheyd.”

Gabriel Jesus ayaa dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee City iyagoo haatan u baaxan hal dhibic si ay ugu soo baxaan wareega 16ka Champions League xilli ciyaareedkii lixaad oo isku xigta.

Tababaraha Shakhtar Paulo Fonseca ayaa ku tilmaamay rigoorada Sterling loo dhigay mid doqonimo ah.

“Cid walba ayaa aragtay. Qof walba rigoorada waxay la aheyd wax doqonimo ah. Laakiin wax micno ah ma sameyneyso in laga hadlo rigoorada ka dib natiiijo ceynkaan oo kale ah. City waa ay inaga badisay sababoo ah waa koox heer kale joogta oo aad inooga fiican.”