Daafaca Arsenal, William Saliba, ayaa si cad u muujiyay in kooxda uu ka tirsan yahay ay si buuxda ugu diyaar garoobeyso inay ku tartanto hanashada koobab xilli ciyaareedka cusub. Isagoo dib u milicsanaya xilli ciyaareedkii hore, Saliba wuxuu sheegay in kooxda wax badan ka baratay khaladaadkii dhacay.
“Wax badan ayaan ka baranay wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore. Xilli ciyaareedka dambe koobab baan ku tartami doonnaa. Marmarsiyo ma jirto,” ayuu yiri Saliba.
Saliba, oo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta daafaca Arsenal, wuxuu sheegay in isku-duubnidu tahay furaha guusha. Hadalkiisu wuxuu muujinayaa kalsooni iyo go’aan adag oo ka dhex muuqda ciyaartoyda kooxda.
Tababare Mikel Arteta ayaa isna horey u sheegay in kooxda horumar weyn samaysay, isla markaana ay leedahay awood ay kula tartanto kooxaha waaweyn ee England iyo Yurub.
Iyadoo ay diyaargarowga xilli ciyaareedka cusub si xawli ah u socoto, hadalka Saliba wuxuu noqonayaa farriin dhiirrigelin ah – Arsenal diyaar bay u tahay inay dagaal adag u gasho koobab waaweyn.