Warbaahinta Jarmalka ayaa shaacisay in kooxda Bayern Munich ay liiskeeda xulashada garabka bidix ku dartay magaca xiddiga Liverpool ee Luis Diaz, iyadoo kooxda reer Bavaria ay raadinayso ciyaaryahan heer sare ah oo booskaas xoojin kara.
Shabakadda ‘Sky Germany’ ayaa werisay in Bayern Munich ay bartilmaameed ka dhigatay Luis Diaz, iyadoo sidoo kale xiisaynaysa xiddiga da’da yar ee Stuttgart, Nik Woltmeier.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in kooxda Bavarian-ka ahi ay ururisay xogta ku saabsan 28-jirka reer Colombia, balse weli aysan jirin wax wadahadal ah oo rasmi ah oo u dhexeeya Bayern iyo Liverpool oo ku saabsan suurtagalnimada heshiis.
Sidoo kale, ilo wareed yadu waxay sheegayaan in Liverpool ay diyaar u tahay inay iibiso Diaz haddii ay hesho dalab ku habboon, iyadoo kooxda Ingiriiska ah ay sidoo kale ka shaqaynayso soo qaadashada garab cusub xagaagan, taasoo kordhin karta fursadda uu Diaz uga tagayo Anfield.
Ugu dambeyn, warbixintu waxay xustay in Bayern ay weli qiimeynayso magacyo dhowr ah oo macquul ah, iyadoo Luis Diaz si rasmi ah ugu jiro liiska la tixgelinayo.