Sida uu ku warramayo Daily Mail, Arsenal ayaa laga yaabaa inay mar kale bartilmaameed keeda u jeediso weeraryahanka Aston Villa, Ollie Watkins, haddii aysan heshiis la gaarin mid kamid ah Benjamin Šeško ama Viktor Gyökeres inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Gunners ayaa horay u dalbatay Watkins bishii Janaayo, balse dalabkoodii waxaa diiday Villa, maadaama kooxdaasi ay markaas waday iibinta Jhon Durán, islamarkaana aysan dooneyn inay lumiso labadooda weeraryahan hal mar. Sidoo kale, dalabkii Arsenal ayaa loo arkayay inuu ahaa mid aad u hooseeyo.
Maxaa Isbedelay?
Hadda oo suuqa xagaagu furanyahay, Arsenal waxay wali baadi goob ugu jirtaa lambar sagaal la isku halayn karo, taasoo ka dhigtay in magaca Watkins uu markale soo if-baxo. Ciyaaryahanka 29-jirka ah (oo 30 jirsan doona bisha Diseembar) ayaa wali ah xiddig si joogto ah saameyn ugu leh kooxdiisa.
Aston Villa waxay u muuqataa inay markan diyaar u noqon karaan iibinta Watkins, gaar ahaan haddii ay helaan weeraryahan cusub oo ah xulashada koowaad. Iyadoo la tixgelinayo da’diisa iyo qiimihiisa suuqeed, tani waxay noqon kartaa fursaddii ugu dambeysay ee ay Villa ku heli karto lacag badan oo iib ah oo ku saabsan xiddiga heerka caalami ee Ingiriiska.
Waxqabadkiisa Xilli-ciyaareedkii Hore:
17 gool
14 caawin
54 kulan oo tartamada oo dhan ah