Qaar Kamid Ah Xiddigaha United Oo Codsi Waalli Ah U Diray Bruno Fernandes

Kadib guuldarradii 1-0 ee Manchester United ka soo gaartay Tottenham final-kii Europa League, Bruno Fernandes ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu kooxda ka tago xagaagan haddii ay go’aansato inay “ka faa’iideysato” iibkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, dhowr kamid ah saaxiibadiisa kooxda ayaa ku booriyay inuu sii joogo.

“Bruno waxaa la dhaliili karaa, laakiin ciyaartoydu way garanayaan kartidiisa,” ayuu yiri xiddig aan magaciisa la shaacin.

“Wuxuu noqon karaa mid dalab badan heli kara, balse dhammaantood way ixtiraamaan waxayna u direen fariimo ay ku muujinayaan sida uu ugu qiimo badan yahay kooxda. Haddii uu baxo, jawiga qolka labiska wuu burburi doonaa.”

Kooxda Al Hilal ayaa la rumeysan yahay inay xiiseyneyso Bruno Fernandes, waxayna awood u leedahay inay bixiso dalab ay adkaan doonto in Man United ay diido.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football