Manchester United ayaa garoonkeeda ku martigelin doonta Arsenal, taas oo noqon doonta ciyaarta ugu xiisaha badan ee furitaanka xilli ciyaareedka cusub.
Red Devils waxay doonayaan inay si xooggan ku billowdaan Xilli ciyaareedka kadib markii ay kaalinta 15aad ku dhameysteen xilli ciyaareedkii hore, halka Arsenal ay rajeyneyso inay ugu dambeyn ku guuleysato horyaalka kadib saddex sano oo xiriir ah oo ay noqotay kooxda labaad.
Ciyaaraha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah: kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool oo soo dhoweyneysa Bournemouth, Manchester City oo marti u ah Wolves, iyo Chelsea oo Stamford Bridge ku wajahayso Crystal Palace.
Xilli ciyaareedka cusub ee Premier League wuxuu si rasmi ah u bilaaban doonaa August 15, 2025.
KULAMADA MAALINTA FURITAANKA:
Jimce – August 15
Liverpool vs Bournemouth
Sabti – August 16
Aston Villa vs Newcastle
Brighton vs Fulham
Nottingham Forest vs Brentford
Sunderland vs West Ham
Tottenham vs Burnley
Wolves vs Manchester City
Axad – August 17
Chelsea vs Crystal Palace
Manchester United vs Arsenal
Isniin – August 18
Leeds vs Everton