Premier League Oo Ganaax Culus Kusoo Rogay Manchester City

Manchester City ayaa lagu ganaaxay lacag dhan £1.08 milyan kaddib markii ay jebiyeen xeerka L.33 sagaal jeer intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore, sida uu shaaciyay Premier League.

Jebinta xeerkan ayaa dhacday sagaal kulan oo kala duwan, waxaana khaladaadka isugu jireen dib u dhaca xilliga ciyaarta ay bilaabaneyso iyo dib ka bilaabista ciyaaraha, taas oo wadarta guud gaartay 18 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi.

Kooxda City ayaa aqbashay dambiga waxayna si rasmi ah uga cudurdaartay dhacdadan. Waxa kale oo ay xasuusiyeen ciyaartoyda iyo shaqaalaha mas’uuliyadda ka saaran u hoggaansanaanta xeerarka tartanka.

Ganaaxyada lagu riday Man City waxay kala yihiin:

£40,000 – Dib-u-dhac 2 daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi ah ciyaartii ay Southampton ka badiyeen (Oct 26)

£60,000 – Dib-u-dhac 1 daqiiqo iyo 38 ilbiriqsi ah ciyaartii Tottenham (Nov 23)

£80,000 – Dib-u-dhac 1 daqiiqo iyo 59 ilbiriqsi ah ciyaartii ay Nottingham Forest ka badiyeen (Dec 4)

£100,000 – Dib-u-dhac 1 daqiiqo iyo 29 ilbiriqsi ah ciyaartii Crystal Palace (Dec 7)

£125,000 – Dib-u-dhacyo badan ciyaartii ay Man United kala kulmeen guuldarrada (Dec 15)

£125,000 – Dib-u-dhac 2 daqiiqo iyo 9 ilbiriqsi ah ciyaartii ay guuldarrada kala kulmeen Aston Villa (Dec 21)

£150,000 – Dib-u-dhac 2 daqiiqo iyo 22 ilbiriqsi ah ciyaartii ay West Ham ka badiyeen (Jan 4)

£210,000 – Dib-u-dhac 2 daqiiqo iyo 22 ilbiriqsi ah ciyaartii ay Ipswich Town ka badiyeen (Jan 19)

£190,000 – Dib-u-dhac 1 daqiiqo iyo 42 ilbiriqsi ah ciyaartii Newcastle United (Feb 15)

Premier League ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo waqtiga bilaabista ciyaaraha si loo dhowro heerka xirfadeed ee tartanka loona ilaaliyo jadwalka baahinta ciyaaraha tooska ah.

Xusuus: Man City waxaa horey loogu ganaaxay £2.09 milyan xilli ciyaareedkii hore dhibaatooyin la mid ah kuwaan aawgood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football