Pogba Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guuleysaneysa Finalka Champions League

Paul Pogba ayaa saadaaliyay natiijada saxda ah ee ciyaarta kama dambaysta Champions League ka, isagoo sheegay in Inter Milan ay 2-1 ku garaaci doonto Paris Saint-Germain (PSG) islamarkaana ay qaadayso koobka weyn ee Yurub ee ka dhacaya Bavaria.

“Saadaashayda kama dambaysta Champions League? Waxaan u maleynayaa in Inter ay 2-1 ku badin doonto,” ayuu yiri Pogba.

Saadaasha Pogba ayaa dad badan la yaabeen, maadaama uu yahay muwaadin Faransiis ah, halka PSG-na ay tahay koox ka socota dalkiisa. PSG ayaa loo arkaa inay yihiin kooxda ugu cadcad hanashada koobka, kaddib markii ay ka takhalustay kooxo waa weyn sida Manchester City, Liverpool, iyo Arsenal intii ay kusoo jirtay tartanka.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba wuxuu taageerayaa Inter Milan, taasoo laga yaabo inay la xiriirto waaya-aragnimadiisa Serie A, gaar ahaan intii uu u ciyaarayay Juventus — oo ah kooxda ugu weyn ee ay xafiiltamaan Inter.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football