Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa si cad u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu maalin uun tababaro xiddiga da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal — inkasta oo uu qirtay in aysan suuragal ahayn.
“Waan jeclaan lahaa inaan tababaro… balse ma dhici doonto,” ayuu yiri Guardiola, oo horey ugu guuleystay koobab badan intii uu Barcelona laylinayay.
Yamal, oo 17 jir ah, ayaa si weyn uga dhex iftiimay La Liga xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 9 gool isla markaana bixiyay 13 caawin 35 kulan gudahood. Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa sababay iney amaan u jeediyaan tababarayaal badan oo waaweyn oo reer Yurub ah.
Si kastaba, inkastoo dalabyo badan iyo xiiso sare loo qabo, Yamal ayaa wali ay ka go’an tahay sii joogista kooxda uu kasoo baxay ee Barca.