Pep Guardiola Oo Si Qiiro Leh Uga Hadlay Xasuuqa Loo Geysanayo Dad

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si qoto dheer uga hadlay xanuunka uu la dareemayo waxa ay carruurta Falastiin gaar ahaan kuwa ku sugan Gaza la kulmayaan, isaga oo xusay in aan la iska indho tiri karin xaaladda ka jirta halkaas — gaar ahaan marka bartilmaameed laga dhigto carruur aan ka weynayn afar ama shan jir.

Guardiola ayaa hadalkan ka jeediyey khudbad sharaf kaddib markii la gudoonsiiyay shahaado sharaf (honorary doctorate) oo ka timid Jaamacadda Manchester. Wuxuu yiri:

“Aad ayay iigu xanuunjineysaa waxa ka dhacaya Gaza; tani ma aha arrin afkaar siyaasadeed ah ama dood cidda saxda ah iyo cidda qaladka leh. Waxaan arkaynaa carruur afar ama shan jir ah oo ku dhimanaya duqeyn ama isbitaallo.”

Tababaraha reer Spain ayaa intaas ku daray:

“Haa, dad ayaa laga yaabaa inay yiraahdaan arrintani inaga nama khusayso, balse maalin ayay ina soo gaari doontaa; carruurta la dili doona berri waxay noqon karaan carruurteenna.”

Guardiola oo caan ku ah mowqifyadiisa bini’aadantinimo, ayaa sheegay in waxa hadda socda uu yahay musiibo bani’aadamnimo, wuxuuna dadka ugu baaqay in aan la aamusan xilliyada dulmiga iyo masiibooyinka.

“Bani’aadantinimada ayaa na faraysa in aan muujino mowqifyadeenna, xitaa haddii ay noqoto qaab fudud oo dareen ah,” ayuu yiri.

Hadallada Guardiola ayaa la kulmay sacab iyo taageero xooggan oo ka timid dadkii dhageysanayey, kuwaas oo si qiiro leh uga falceliyay hadalladiisa tooska ah ee iftiimiyay masiibo aan si ku filan loola tacaalin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football