Pep Guardiola: “Juventus waa kooxda ugu weyn gudaha Talyaaniga”
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ammaan u jeediyay kooxda Juventus, isagoo ku tilmaamay “kooxda ugu weyn horyaalka Talyaaniga” kahor kulankooda Club World Cup.
City ayaa la ciyaari doonta Juventus wareegga saddexaad ee marxaladda guruubyada ee tartanka Club World Cup. Guardiola ayaa sheegay in kooxda reer Turin ay tahay mid weyn oo leh taariikh iyo taageero ballaaran gudaha Talyaaniga.
“Waxaan horay ula ciyaarnay Juventus xilli ciyaareedkan.Waan ku fashilmanay Turin, laakiin hadda tababare cusub ayaa wata. Waxaan ka hadlaynaa kooxda ugu weyn Talyaaniga – laga yaabee in aysan ahayn tii ugu awoodda badneyd Yurub, balse shaki la’aan waa tan ugu caansan gudaha dalka Talyaaniga,” ayuu Guardiola ku yiri wareysi uu siiyay Mediaset.
Guardiola ayaa sidoo kale xusay muhiimadda kulanka, isagoo yiri: “Ciyaartan waxay go’aamin doontaa cidda kaalinta koowaad kusoo baxda. Juve waa koox cajiib ah dhinacyo badan marka la eego, waxaana aad ugu faraxsanahay inaan markale wajaho.”