Pedro Oo Iska Indha-tiray Yamal Iyo Dembele; Wuxuu Magacaabay Laacibka Ku Guuleysanaya Ballon d’Or Sanadkaan

Garabka Lazio, Pedro, ayaa iska indhatiray ciyaartoyda ay ka mid yihiin Lamine Yamal iyo Ousmane Dembélé, isagoo magacaabay Pedri inuu yahay ciyaaryahanka uu u arko inuu ku guuleysanayo abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025.

Xiddigii hore ee Chelsea ayaa si cad u sheegay inuu siin lahaa Pedri dhibcaha ugu sarreeya si uu u helo abaalmarinta sannadkan, isagoo ka hor mariyay dhammaan tartamayaasha kale.

Pedri ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Barcelona 2024/25, wuxuuna noqday mid ka mid ah musharrixiinta ugu waa weyn ee ku tartamaya abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu sarreysa kubadda cagta.

Xiddiga xulka Spain ayaa la tartamaya magacyo waa weyn sida Dembélé, Yamal, Raphinha, Mohamed Salah iyo kuwo kale oo badan.

Isagoo la hadlayay El Día de Tenerife (iyadoo laga soo xigtay Barca Blaugranes), Pedro ayaa yiri:

“Dabcan waxaan siin lahaa Pedri dhibcaha ugu badan.

“Markaas Lamine Yamal. Waxaa sidoo kale jiri kara musharrixiin kale sida Dembélé ama Raphinha, balse aniga waxaa iga go’an inaan arko Pedri oo ku guuleysta abaalmarinta.

“Aniga shaki igama jiro: waa kan ugu fiican booskiisa guud ahaan caalamka.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football