Paulo Dybala Oo Daboolka Ka Qaaday Hadalladii Ay Is-dhaafsadeen Jose Mourinho Kaddib Dabbaal-deggii Ka Xanaajiyey Ciyaartoyga Juventus

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Juventus ee Paulo Dybala ayaa markii ugu horreysay saxaafadda la wadaagay hadalladii uu ku yidhi tababaraha Manchester United, Jose Mourinho oo sameeyey dabbaal-deg iyo tilmaan uu ku daandaansanayey taageereyaasha Juventus, kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay Old Lady.

Garoonka Allianz Arena ayaa Arbacadii uu Jose Mourinho kasoo hooyey guul niyadda usoo celisay Manchester United oo lagaga horreeyey hal gool oo uu ka dhaliyey Cristiano Ronaldo, balse dhamaadkii ciyaarta ayaa United ay laba gool oo degdeg ah heshay, waxaana markii ay dhamaatay garoonka soo dhex istaagay Mourinho oo is qabtay dhegta midig isagoo la hadlaya taageereyaasha, waxaana kusoo ururay ciyaaryahannada Juventus ka hor intii aanay qaar ka mid ah xiddigaha Man United iyo garsooreyaashu kala dhex-galin.

Laacibka reer Argentine ee Paulo Dybala ayaa ka mid ahaa ciyaartoygii Juventus ee isku xeeray Mourinho, waxaana uu ku yidhi hadallo loo fasiray inay ahaayeen aflagaado, balse xiddigan akhlaaqadda badan ayaa sheegay in aanu haba yaraatee wax cay ah ku odhanin.

“Waxa aan u sheegay in aan loo baahnayn tilmaantaas oo abuuraysa xamaasad fool xun. Mararka qaarkood taageereyaashu way na caayaan laakiin looma baahna (in loo jawaabo). Maan caayin, mana jiro wax lasii faafiyo oo aan ku idhi” Sidaas ayuu yidhi Paulo Dybala.

Dhinaca kale, Jose Mourinho oo hore uga hadlay dabbaal-degga iyo ficilka uu sameeyey ayaa sheegay in intii ay ciyaartu socotay oo dhan ay jamaahiirta  Juventus aflagaaddo u geysanayeen isaga iyo qoyskiisaba, sidaas daraadeedna uu doonayey in mar kale ay ugu celiyaan iyagoo guul-darraystay.