Xiddigii hore ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa ugu baaqay kooxda Red Devils inay xagaagan la saxiixdaan labada weeraryahan ee kala ah Victor Osimhen iyo Viktor Gyokeres.
Labadan ciyaaryahan ayaa si weyn loola xiriirinayay inay ku biiraan Manchester United iyo kooxo kale oo waa weyn oo Yurub ah. Si kastaba ha ahaatee, Scholes ayaa rumeysan in labadaas weeraryahan ay si weyn u caawin karaan kooxda.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo Man United dhowaan la saxiixatay weeraryahanka Matheus Cunha oo ay kala soo wareegeen Wolves.
Hadalkii Paul Scholes ee barnaamijka The Overlap Fan Debate wuxuu ahaa sidan:
“Waxaan u maleynayaa in Osimhen uu yahay saxiix suurtogal ah. Marka aad ka hadleyso dhibaatooyinka dhaqaale, Osimhen waa suurtagal in la helo. Laakiin aniga ahaan, waxaan sii heysan lahaa Rasmus Hojlund.”
“Waan ogahay inuusan fiicnayn xilli ciyaareedkan, laakiin waa wiil 22 jir ah oo kaligiis ciyaarayay weerarka Manchester United muddo laba sano ah.”
“Koox sida Manchester United ah waa inay haystaan ugu yaraan saddex weeraryahan oo heer sare ah. Anigu waxaan ka dhigi lahaa weerarka Hojlund, Osimhen iyo Gyokeres.”
Talooyinka Scholes ayaa imaanaya xilli ay Man United doonayso in ay dib u dhisto safkeeda weerarka kadib xilli ciyaareed niyad jab ah.