Paul Scholes: Moises Caicedo Waa Dammiin Aan Waxba Ku…………….

Halyeeygii hore ee khadka dhexe ee Manchester United, Paul Scholes, ayaa dhaleeceyn u jeediyay saameynta guud ee Moises Caicedo ku yeeshay kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan, isaga oo ka hadlayay barnaamijka Overlap Fan Debate.

“Dad badan ayaa ka hadlayay Caicedo, iyaga oo sheegaya inuu ciyaaray 38 kulan. Haa, laakiin tayadiisu ma fiicneyn? Miyuu abuuray fursado badan? Ma ahayn mid si buuxda u xakameynayay ciyaaraha Chelsea? Anigu ma xasuusto,” ayuu yiri Scholes. “Waxaan aaminsanahay in waqtigan la joogo, khadka dhexe gaar ahaan, ay jiraan ciyaartoy xilli ciyaareed dhan ciyaara iyaga oo aan wax muuqda soo kordhin.”

Si kastaba ha ahaatee, Caicedo ayaa si weyn loogu amaanay gudaha Chelsea. Wuxuu ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee ay bixiyeen ciyaartoyda iyo taageerayaasha labadaba, isagoo dhaliyay gool muhiim ah kulankii kama dambaysta ahaa ee Europa Conference League oo ay Chelsea kaga adkaatay Real Betis.

Inkastoo xilli ciyaareedkiisu dhammaaday, Caicedo fasax lama siin, maadaama Chelsea ay ka qeybgaleyso Koobka Adduunka ee Naadiyada xagaagan, halkaas oo ay ku wajihi doonaan kooxaha León, Flamengo iyo ES Tunis wareega group-yada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football