“Paul Pogba Waa Doqon Inuu Iska Tago Waxay U Fiicnaan Lahayd Qofkasta” – Jose Mourinho Oo Garab Helay & Pogba Oo Qaab Waali Ah Loo Weeraray.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa garab ku helay dagaalka qarsoon ee uu mudooyinkii ugu dambeeyay kula jiro xiddiga kooxdiisa ee Paul Pogba oo ay dhawr jeer si toos ah hawada canaan iskugu mariyeen.

Halyeeyga Man United ee Paul Ince oo door safiirnimo uga shaqaysta shirkada khamaarka caanka ku ah ee Paddy Power ayaa Pogba ku sifeeyay erayga “Doqon” isaga oo sheegay in bixitaan uu sameeyo xiddigaasi ay xal u noqon lahayd qof kasta.

Ince ayaa yidhi “Pogba waxa loo maleeyaa mid heer caalami ah laakiin waxa uu u muuqdaa mid dhex dhexaad ah, Haddii uu u malaynayo in booskiisu yahay inuu garoonka soo galo oo uu sameeyo kubaddo yar oo xun oo uu kor u darbaynayo kuwaas oo ku sababaya inay kubadda lumiyaan, Isagu waa doqon”

Dhinaca kale, Xiddigii hore ee xulka England ayaa la saftay Jose Mourinho oo toddobaadyadii ugu dambeeyay eedaymo la kulmayay waxana uu sheegay in Jose uusan wada lahayn eeda.

“Waad ku eedayn kartaa Jose Mourinho waxyaabaha qaar, Laakiin isaga kuma eedayn kartid waxkasta, Pogba ma caawiyo naftiisa, Wuuna ku saxsan yahay inuu shaxda ka saaro”

“Muhiim maaha intee in le’eg ayuu magacaagu weyn yahay, Qofna aad uga weyna magaca in lagaa saaro United, Fikrada jamaahiirta aniga waxay iila muuqataa inay leeyihiin haddii ay aad uga go’antahay inuu ka tago Old Trafford, Waa inuu tago, Xaqiiqdii taasi waxay noqon lahayd waxa ugu fiican ee usoo baxa cidkasta oo ku lug leh”