Laacibka khadka dhexe ee reer France ayaa ku soo laabanaya garoomada, kaddib markii Maxkamadda Ciyaaraha (TAS) ay dhimis ku sameysay ganaaxiisa.
Soo laabashada Paul Pogba ee kubadda cagta heerka sare ayaa hadda noqotay mid dhab ah. AS Monaco ayaa dhammaystirtay saxiixa Pogba, iyadoo laacibka uu saxiixi doono heshiis soconaya ilaa Juun 2027, kadib markii ay labada dhinac isla gaareen heshiis afka ah.
Pogba, oo horay uga maqnaa garoomada muddo 18 bilood ah kaddib markii lagu helay isticmaalka testosterone bishii Agoosto 2023, ayaa hadda xor u ah inuu xirfaddiisa dib u bilaabo. Ganaaxiisa oo markii hore afar sano ahaa ayaa laga dhigay 18 bilood kaddib rafcaan uu u gudbiyay Maxkamadda Ciyaaraha (CAS). Inkasta oo uu xaq u lahaa inuu ciyaaro tan iyo bishii Maarso, suuqa kala iibsiga oo xirnaa ayaa ka hor istaagay inuu ciyaaro xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Hadda, AS Monaco ayaa siineysa Pogba fursad uu dib ugu bilaabo xirfaddiisa, taas oo ku imaneysa jawi tartan leh oo weliba ah dalkiisa hooyo — France. Pogba ayaa horey ugu soo ciyaaray Juventus iyo Manchester United, wuxuuna baraha bulshada ku baahiyay fariimo muujinaya inuu doonayo inuu dib ugu soo laabto ciyaarista heerka ugu sarreeya.
Saxiixiisa AS Monaco wuxuu calaamad u yahay cutub cusub oo noloshiisa ciyaareed ah, iyadoo Pogba uu hiigsanayo in uu markale u ciyaaro xulka qaranka France. Wuxuu doonayaa inuu mar kale qanciyo tababaraha xulka, Didier Deschamps, si uu qeyb uga noqdo qorshaha Koobka Adduunka 2026.
Dhinaca kale, AS Monaco waxay helaysaa ciyaaryahan khibrad sare leh, lehna hoggaan gudaha garoonka. Haddii caafimaadkiisa uu taam noqdo, Pogba wuxuu noqon karaa xiddig muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata qorshaha kooxda reer Monaco. Soo laabashadiisa, oo ay taageerayaashu ugu yeereen “Pogback”, ayaa si rasmi ah u bilaabatay.