Difaaca Barcelona Pau Cubarsí ayaa muujiyay sida uu uga digayo halista Kylian Mbappé, isagoo sheegay in xiddiga Faransiiska uu si lama filaan ah meel kasta uga soo muuqan karo garoonka.
“Waa xiddig si lama filaan ah meel kasta uga soo muuqan kara. Wuxuu kasoo bixi karaa meel kasta – boos bannaan ama si toos ayuu hortaada uga soo muuqan karaa. Waa inaad si weyn u feejignaataa, waxna ka barato kulan kasta oo aad la ciyaarto,” ayuu yiri Cubarsí.
Hadalka Cubarsí ayaa imanaya kahor ciyaarta kala-baxa Nations League ee u dhaxaysa Spain iyo France, taasoo uu mar kale ku wajihi doono Mbappé.
Labada ciyaaryahan ayaa hore ugu kulmay garoonka xilli ciyaareedkii hore, markaasoo ay isku arkeen kulan u dhexeeyay Barcelona iyo Real Madrid.
Cubarsí ayaa muujiyay in xulka Spain ay u baahan doonaan dadaal sare si ay u xakameeyaan Mbappé oo natiijo wanaagsan uu ka sugayo xulkiisa.