Ousmane Dembele Oo Calool Xanuun Ku Seegay Tababarkii Shalay & Ernesto Valverde Oo Ay Xaaladda Ku Xun Tahay.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in weeraryahankooda reer France Ousmane Dembele uu seegay tababarkii shalay oo khamiis ay kooxda sameysay sababo xanuun dhanka caloosha oo asiibay, tani waxey sii kordhineysaa walaaca Ernesto Valverde ee ka hor kulanka Real Betis.

Tani waxey ka dhigan tahay inaan la ogeyn inuu kasoo muuqan doono kulanka xiisaha badan ee ay Camp Nou kusoo dhaweyn doonaan isbuuca berito bilaaban doona, balse wuxuu heystaa fursad uu kaga soo kabto.

Kaliya maahan xiddigaha dhibaatada qaba ka hor kulanka soo aadan, waxaana dhaawac kulankaas ku seegi doona Philippe Coutinho oo la xaqiijiyay inuu lugta bidix ka xanuunsanayo isla markaana ka maqnaanayo garoomada laba ilaa saddex isbuuc.

Dhanka kale Lionel Messi ayaan la ogeyn sida uu kulanka Betis uga soo muuqan karo maadaama uu wali la xanuunsanayo dhaawac kasoo gaaray gacanta kulan ay Sevilla guul ka heleen, Samuel Umitit ayaa isna dhibaato dhaawac la maqnaa mudooyinkii dambe.

Wararka la helayo waxey sidoo kale sheegayaan in xiddigaha Messi & Umititi aysan tababarkii shalay ka qeyb qaadan, waana war aan u wanaagsaneyn tababare Ernesto Valverde..

Soo laabashada kabtanka waa suuragal balse Umititi sooma laaban karo ilaa laga soo laabto qaramada, Valverde ayaana saddex da’yar ah uga yeeray tababarkii shalay Chumi, Juan Miranda iyo Riqui Puig.