Onana Oo Door Weyn Ka Ciyaaray In Manchester United Ay Heshiis La Gaarto……………

Manchester United ayaa kor u qaaday dalabkeedii Bryan Mbeumo, iyadoo haatan miiska saartay in ka badan £60 milyan, si ay u hesho saxiixa weeraryahanka Brentford. Dalabkoodii hore oo ahaa £55m ayaa horey loo diiday, laakiin Red Devils ayaa weli aaminsan inay heshiis dhameystiran gaari doonaan.

Haddii uu heshiiska dhaco, Mbeumo wuxuu noqon doonaa mid mushahar ahaan ku kasbada ugu yaraan £150,000 toddobaadkii, taasoo u dhiganta mushaarka uu qaadan doono Matheus Cunha, waana caddeyn kale oo muujinaysa sida Man United ay uga go’an tahay saxiixiisa.

Xiddigan reer Cameroon, oo xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 20 gool 38 kulan oo Premier League ah, ayaa noqonaya bartilmaameedka ugu sarreeya ee United ee garabka midig. Waxa uu lafdhabar u noqon karaa weerarka kooxda iyadoo la xoojinayo awooddooda weerar ee dhinacaas.

Inkasta oo Tottenham ay si dhab ah u xiiseynayaan Mbeumo – xitaa ay magacaabeen tababarihii hore ee Brentford, Thomas Frank, oo xiriir dhow la leh Mbeumo – haddana xiddigan ayaa la sheegay inuu doorbidayo inuu u wareego Old Trafford.

Andre Onana, oo ah saaxiibkiisa xulka qaranka Cameroon, ayaa si weyn ugu ololeynaya inuu kusoo biiro kooxda, halka sidoo kale qof qaraabo dhow la ah Mbeumo oo taageere u ah United uu qeyb ka yahay dhiirrigelinta go’aankiisa.

Brentford waxay weli haystaan ikhtiyaarka hal sano oo qandaraaskiisa ah oo ay dheereyn karaan, laakiin United ayaa rajeynaysa in dalabkooda cusub uu yahay midka jabin kara caqabadda.

Soo afjarista heshiiskan waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo United ay ku dhiseyso koox weerar leh, iyadoo Mbeumo uu leeyahay dardar, farsamo iyo gooldhalin joogto ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football